Arsenal oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karto xiddiga Kooxda Valencia ee Carlos Soler

0
250

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa in loo sheegay qiimaha ay ku heli karto laacibka naadiga Valencia ee Carlos Soler.

Kooxda reer London ee Arsenal ayaa loo sheegay inay bixiso adduun dhan 36 milyan oo gini haddii ay doonayaan inay la saxiixdaan Carlos Soler.

Warar dhowaan soo baxay ayaa soo jeedinaya in Gunners ay isha ku hayso 23-sano jirkaan, kaasoo dhaliyay labo gool 18 kulan oo uu horyaalka La Ligaha uu saftay xilli ciyaareedkan.

Sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail, Kooxda Valencia ayaa ka cago jiideysa inay kala qeybisamaan laacibkan reer Spain, laakiin dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhex jira cudurka faafa ee coronavirus ayaa laga yaabaa inay u iibiso.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in kooxda Isbaanishka ay doonayso in miiska loo saaro qiimo dhan 36 milyan oo gini, isla markaana kooxda Macallin Mikel Arteta uu hoggaamiyo ayaa laga yaabaa inay saxiixa Soler kula tartanto kooxaha Man United, Barcelona iyo Real Madrid oo dhankooda ka doonaya.

Laacibkan khadka dhexe ka dheelaya ayaa heshiiskiisa haatan ee Kooxda Valencia waxa uu ku eg yahay xagaaga 2023-ka.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here