App kuu sheegaya marka aad la kulantid qof qaba Coronavirus oo la soo saaray.

0
391

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dad ka badan hal malyanoo u dhashay dalka Australia ayaa soo degsaday App sheegaya marka aad la kulantid qof qaba cudurka Coronavirus, saacado kaddib markii ay dowladda shaacisay.

App-ka ayaa isticmaalaysa Bluetooth, waxayna ogaanaysaa isu soo dhawaanshaha laba qof marka ay isku jir sadaan 1.5m.

Dadka isticmaalaya App-kan ayaa ogaanaya qofka qaba cudurka Corona haddii ay muddo 15 daqiiqa ah ay xiriir dhow la yeeshan.

Dalka Australia ayaa diwaan geliyay 6,694 oo kiis, waxaana cudurka u geeriyootay dad gaaraya 80 qof.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here