Akhriso:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xariga ka jaray Wadooyin laga hergeliyey magaalada baydhabo.

0
364

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Mohamed Lafta -gareen ayaa Maanta Si Rasmi ah Xariga uga jarey waddooyin laami ah oo laga hergaliyay Magaalada Baydhabo.

Waxana Dhismaha waddoyinkan iska kaashadey Dowladda Federalka Soomaaliya Iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ,waxana ay maal galisey Dowladda Norwey.

Xarigjerka Waddooyinkan waxaa Goob joog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Dowlada Federalka soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka koonfur galbeed iyo Xildhibaano Ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ,iyo safiirka Dowlada Norwey ufadhiya Soomaaliya, iyo Maamulka Gobolka Baay iyo Kan degmada Baydhabo,iyo Mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha Gobolka Baay Ali wardheere Abdiraxmaan Iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Abdullahi Cali Watiin, ayaa ka hadley Mudada ay qaadatey Dhismaha waddooyinkan iyo Xafadaha kala Duwan Ee Lagu dhisey.

Safiirka Dowladda Norwey Ufadhiya Soomaaaliya Eliyan Bergethy, Ayaa Balan qaadey In Dowladda Norwey mar waliba ay diyaar utahay sidii Dowladda Koonfur galbeed Soomaaliya wax waliba ugu Caawin leheed.

Wasiirka Qorsheenta iyo Maalgashiga caalamiga Dowladda Soomaaliya Mudans Jamaal Xasan, aya waxaa uu sheegey Mashariciyo kala Duwan oo kale laga Fulindoono Magaalada Baydhabo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here