Ahmiyad noocee ah ayuu leeyahay barashada deegaanka.

0
298

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Marka laga hadlayo deegaan waxa aan ka hadleeno ayaa ah halka uu ku nool yahay aadanaha iyo dhamaan noolaha kaleba . kalmadda Deegaan “Environment” waxaa laga soo min guuriyay dadyowgii hore ee faransiiska taa oo micnaheedu yahay waxa inagu gedaaman ama nagu hareereesan “ Environner” sidaa darted Deegaanku waa dhaman sheyadda ku gedaaman noolaha noloshiisa, badasha go’aamisana habnololeedkiisa.

Bulsha weliba waxay leedahay heerer ay isku maamulaan si loo ilaaliyo guud ahaan deegaanka balse muhiimad noocee ah ayuu bulshada u leeyahay in ay bartaan deegaanka,waxaana radio Arlaadi ahmiyada uu leeyahay barashada deegaanka sharaxaad ka siisay Saciido Maxamed Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka hormarinta deegaanka.

Sidoo kale waxay tilmaantay waxyaabaha ku qasbay in ay ka shaqeeyaan arimaha deegaanka .

Ururka dedo waxa uu ka shaqeeyaa gobalka baay, waa urur ka shaqeeya hormarinta deegaanka, waxaana saciido ay sheegtay in ay wacyagelin badan u sameeyaan bulshada , dooda looga hadleya hormarinta deegaankana ay bulshada u qabteen sidoo kalena dhirta oo la jaro ay ka imaan karto dhibaatooyin saameeya deegaanka.

Radio Arlaadi:-Abdirahman Yusuf Hassan Soori.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here