Abiy Axmed oo lagu wareejiyay Taaj Itoobiya laga xaday qarnigii 18-aad

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Taaj laga xaday dalka Itoobiya qarnigii 18-aad ayaa ugu dambeyntii lagu wareejiyay dowladda Itoobiya kaddib 21 sanno oo Taajkan dib looga helay guri ku yaal dalka Netherlands.

Nin u dhashay Itoobiya oo lagu magacaabo, Sirak Asfaw oo uu u qaxay dalka Netherlands dabayaaqadii toddobaatamadkii ayaa arkay nin Taajka ku sita boorsad, markiiba, wuxuu ogaaday in lasoo xaday.

Maamulka guriga uu joogay ninkii sitay Taajka ayaa gacanta ku hayay isla markaasna ka shaqeeyay sidii dib loogu celin lahaa Itoobiya.

Wasiirka ganacsiga iyo iskaashiga dalka Netherlands,Sigrid Kaag ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ku wareejisay Taajkan.

Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here