Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa bilihii la soo dhaafay dalka ka socday doodo ku saabsan Arimaha qabyo-qoraalka Dastuurka Dalka oo bulshada laga qeybgelinaayay doodahaasi si ay fikradahooda ay uga dhiibtaan.
Magaalada Baydhabo ee Xaruunta gobalka Baay ayaa ka mid ah meelaha bulshada afkaarahooda ka dhiibaneyaan dastuurka iyo arimaha quseeya oo ah in dastuurka dalka soomaaliya lagu daro ama laga dhimo, Qaar ka mid ah ardeyda jaamacadaha magaalada baydhabo dhigta ayaa sheegaya in ay ka gudbiyeen fikradahooda.
Warkan Waxaa noo heya Abdikadir Mohamed Nor Warcade