Baydhabo(Radio Arlaadi)Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobalka Baay waxaa ka socda Wacyigelin ku aadan sidii loogu hortagi lahaa dhibaatooyinka dhalinyarada ay kala kulmaan waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan Tubaakada Taabuuga iyo Cirbad loo yaqaano Taraamadol kuwaasi oo saameyn weyn ku yeelatay dhalinyarada ku nool Magaalada Baydhabo kuwooda isticmaala Maandooriyaashaasi.
Iskuulada iyo Goobo kale waxaa ka socda Wacyigelin ku aadan sidii loogu hortagi lahaa looguna joojin lahaa dhalinyarada isticmaasha.
Warkan Waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera