Dowlada Hoose Ee Degmada Baydhaba oo Wada Hormarinta Bilicda Magaalada iyo kashaqeynta Nadaafada

0
334

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowlada hoose ee degmada baydhabo ayaa waxay dadaalo ugu jirtaa sidii qeyb weyn ay ugu qaadan leheyd nadaafada iyo dib usoo celinta bilicda degmada baydhabo gaar ahaan suuqa weyn.

Qaar kamid ah shaqaalaha dowlada hoose ee degmada baydhabo u xilsaaray nadaafada suuqa baydhabo ayaa habeen iyo maalin waxay u taagan yihiin sidii ay u ilaalin lahayeen nadaafada iyagoo qadaan qashinka lagu soo daadiyo bakhaaraha iyo goobaha kale ee lagu ganacsado, waxaana inta badan suuqyada baydhabo qashinka laga guraa habeenkii xiligaasi oo loo heli karo fursado lagu nadiifiyo.

Cabdulaahi Macalin Aadan ( Cabdulaahi Mini Shiibi) oo kamid ah ciidamada minishibiyada dowlada hoose ee degmada baydhabo oo lahadlaayay warbaahinta koonfur galbeed ayaa waxaa uu sheegay in shaqaalaha nadaafada degmada baydhabo ay soo food saaratay dhibaato ku aadan dhanka qalabta kaasi oo ka dhalatay in shaqadii ay u socon weyso sidii loogu talagay.

Warkan Waxaa noo heya Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here