Cristiano Ronaldo oo guul ku hogaamiyay Juventus kaddib markii ay ka adkaadeen Fiorentina.

0
369

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Juventus ayaa guul ay u baahneyd ka gaartay kooxda Fiorentina oo marti ugu aheyd Allianz Stadium, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Juventus.

Daqiiqadii 40-aad Juventus ayaa heshay gool ku laad waxaana gool u badelay weeraryahanka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Bianconeri.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay ku soo galeen garoonka dardar xoogan, waxay sameeyeen fursado badan halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 80-aad kooxda Juventus ayaa markale heshay gool ku laad waxaana gool u badelay markale Cristiano Ronaldo, dheesha ayaana sidaas ku noqotay 2-0.

Daqiiqadii 90-aad Juventus ayaa dhiireysatay hogaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay daafaca reer Holland ee Matthijs De Ligt.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay kaga adkaatay Juventus kooxda Fiorentina oo marti ugu aheyd Allianz Stadium, waxayna Bianconeri haatan sii dheereysatay hoggaaminta horyaalka iyagoo 6 dhibcood kaga hogaaminaya Inter oo caawa la balansan Udinese.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here