Muxuu Zidane ka yiri in kooxdiisu ay xalay hoggaanka horyaalka La Liga kala wareegtay Barcelona?

0
375

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Macalinka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay Los Blancos xalay ka gaartay naadiga Real Valladolid.

Real Madrid ayaa xalay guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Real Valladolid oo ay ku booqatay garoonka Jose Zorrilla, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21-aad ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Kaddib ciyaarta ayuu macalin Zinedine Zidane kala hadlay warbaahinta dareenkiisa kaddib guusha ay ka heleen Real Valladolid wuxuuxuuna yiri:

“Waxaan u sheegay Nacho inuu horay u socdo, si aan u soo afjarno ciyaarta, wuxuuna runtii dhaliyay gool”.

“Waa saddex dhibcood muhiim ah, aad ayaan u faraxsanahay, laakiin inaan fadhino fiida sare ee hoggaanka waxba ma bedeleyso”.

“Nacho waa ciyaartooy aan xilli kasta ku kalsoonahay, waa nin aad u xirfad badan isla markaana wuxuu ka mid yahay wiilasha kooxda, aad ayaan ugu faraxsanahay isaga”.

“Arrinta ku aadan gooldhalinta, haddii uusan Karim Benzema dhalinin gool, kuwa kale ayaa dhalinaya, sidaas darteed waan ku faraxsanahay Nacho”.

“Waxay ahayd ciyaar adag, kooxda naga soo horjeeday si fiican ayey kubadda u ciyaartay, waxaana ku hor dhibtoonay waqtiyo qaar, laakiin qeybtii labaad waxaan u ciyaarnay si fiican, waxaana aheyn kuwo dhaqsi badan”.

“Real Valladolid jir ahaan waxay ahaayeen kuwo xoogan qeybta hore ee ciyaarta, marka waxaa muhiim aheyd inaan guuleysano”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here