Man United oo si raaxo leh ugu gudubtay wareega Shanaad ee FA Cup.

0
335

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Manchester United ayaa si raaxo leh ugu gudubtay wareega Shanaad ee koobka FA Cup, kaddib markii ay ku garaacday kooxda Tranmere Rovers 0-6, ciyaar ka tirsaneyd kulamada afaraad ee tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-5 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 10-aad ee ciyaarta Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Harry Maguire, waxaana goolkan ka caawiyay Victor Lindeloef.

Daqiiqadii 13-aad Manchester United ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhiigay Diogo Dalot iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Anthony Martial.

Manchester United ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta daqiiqadii 16-aad waaana 0-3 ka dhigay Jesse Lingard, kaddb markii uu goolkan ka caawiyay Harry Maguire.

Laakiin waxay sheeko ku sii xumaatay taageerayaasha kooxda ku ciyaareysay garoonkeeda ee Tranmere Rovers, kaddib marka daqiiqadii 41-aad ee dheesha uu 0-4 ka dhigay daafacaafaca jooga dheer ee Phil Jones, xilli uu goolkan ka caawiyay Andreas Pereira.

Daqiiqadii 45-aad weeraryahanka reer France ee Anthony Martial ayaa ciyaarta ka dhigay 0-5, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luke Shaw.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada Manchester United ayaa halkeeda ka sii waday raacdada ay ugu jirtay inay gool dhaliso, waxayna abuurtay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa heshay gool ku laad waxaana gool u badalayay Mason Greenwood, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-6.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-6 ay kaga adkaatay Manchester United kooxda Tranmere Rovers, waxayna Red Devils sidaas ugu gudubtay wareega shanaad ee tartankan.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here