Baydhabo(Radio Arlaadi)- Mid ka mid ah kaamamka ku yaala duleedka degmada baydhabo ee xaruunta gobalka baay ayaa laga hirgeliyeye iskuul looga tala galey in ay wax ka bartaan caruurta ku nool kaamamka la deriska ah iyo kaamkaasi.
Aasaaskiise iyo dhisidiisa iskuulkaani ayaa waxaa iska kaashadeen dhalinyaro ku nool gudaha iyo dalka dibadiisa.
munasabada xarig jerida iskuulkaan waxa ka soo qeybgaley masuuliyiin ka socoto maamulka gobalka baay iyo kan degmada baydhabo ,madaxda dhalanyarada aasaastay sidoo kalena qeyb ka ahaa dhisidiisa, wasiiro ka tirsan dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaliya oo ugu horeeyey wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo hidaha iyo tacaliinta sare ee koonfur galbeed iyo bulshada ku nool kaamka laga hirgeliyey iskuulka iyo dad fara badan.
Ugu horeyntii waxa ka hadlay Sheekh Muqtaar oo ka mid ah dadkii soo aas aasey iskuulkan iyo masuuliyiin kale.
Dhanka kale waxaa sidoo kale ka hadleen gudoomiye ku xigeenka degmada baydhabo dhanka maaliyada iyo gudoomiye ku xigeenka gobalka bay iyo dhalanyaradii gacan weyn ka geysteen dhisida iskuulka iyo wasiiru dowlaha wasaarda maaliyada koofur galbeed dhamaantooda waxay bogaadiyeen ahmiyada waxbarashada ay u leedahay caruurta koofur galbeed.
Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada dowlad gobaleedka koonfur galbeed soomaliya jabriil maxmuud adan ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamey in buugaagta manhajka cusub la bari doona ardeyda fursada u heshay in ay wax ka bartaan iskuulkani.
Radio Arlaadi:- Rahma Salaad Abdullahi