Wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo yimid Muqdisho

0
284

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxda ugu sareysa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya oo ay hogaaminayso Wasiir Fawziya Abiikar Nuur ayaa Maanta Muqdisho kusoo dhoweeyay Wafdi ballaaran oo kasocda Xafiiska ugu sareeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO).

Wafdiga waxaa hoggaaminaya oo kamid ah madaxda Hay’adda WHO ayna qyeb ka yihiin u qabilsanaha Xafiiska WHO ee Soomaaliya iyo Xubno kale,waxaana Wasaaradda Caafimaadka ay faah faahisey sababaha u yimaadeen Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Fawziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in wafdigaan ay ku yimaadeen Soomaaliya codsi ay u direen,isla markaana ay ka caawin doonaan sidii hirgelin lahaa qorshihii caafimaad ee loo dhan yahay ee dowladda Fedeeraalka.

Radio Arlaadi:-Rahma Salaad Abdullahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here