Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Kulanka Real Madrid vs Valencia ee Espanish Super Cup Oo La Shaaciyey.

0
545

Baydhabo (Radio Arlaadi)- Xidhiidhka kubadda cagta Spain, guddida u qaabilsan farsamada iyo garsoorka ayaa shaaciyey garsooreyaasha dhexdhexaadin doona kulanka semi-finalka Spanish Super Cup ee Arbacada.

Real Madrid, Barcelona, Atletico Madrid iyo Valencia ayaa usoo safraya waddanka Sucuudiga oo taariikh ka samaynaya Spanish Super Cup-ka oo markii ugu horreysay lagu qabanayo meel ka baxsay dalka Spain, sidoo kalena tiradiisa la kordhiyey oo laga dhigay afar kooxood.

Kulanka hore ee Spanish Super Cup, waxa uu Arbacada dhex mari doonaa Real Madrid iyo Valencia, Khamiistana waxa is haleeli doona Barcelona iyo Atletico Madrid, labada kooxood ee soo baxa ayaana iskugu iman doona finalka.

Dhamaan ciyaaruhu waxa ka dhici doonaan garoonka weyn ee King Abdullah Sports Center oo la dhisay sannadkii 2014, kuna yaalla magaalada Jeddah.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa waxay ciyaarta Real Madrid iyo Valencia inuu garsooraha dhexe ka noqdo Jesus Gil, waxaana VAR fadhiisan doona Pablo Gonzalez Fuertes.

Garsoorka kulankan oo dhamaystiran:

Garsooraha dhexe: Jesus Gil Manzano

Calan-wadaha 1aad: Angel Nevado Rodriguez

Calan-wadaha 2aad: Javier Martinez Nicolas

Garsooraha 4aad: Santiago Jaime Latre

VAR: Pablo González Fuertes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here