SAWIRO: XISBIGA TIIR XAFIISKIISA BAYDHABO OO BACOOYIN UQEYBIYAY DADKII SAMEYEY ROOBABKII KADA’EEN MAGALADA BAYDHABO

0
357

80 qoys barakacyaal ah oo isugu jiraan dadka baahiyaha gaarka qaba iyo qaar kale oo da’ah ayaa deeq bacaha roobka laga galo waxaa garsiiyay xubno katirsan xisbiga Tiir xafiiskiisa Baydhabo. Deeqdaan ayaa katimid maamulka sare ee Xisbiga oo uu hormuud kayahay Eng. Saalax Sheekh Cusmaan oo ah gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada Tiir.
Dadka bacaha loo qeybiyey ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ay ahaayeen kuwo uu saameeyay roobabkii kada’ayee Magalada Baydhabo kuwaasi oo Kaamamka ay deganyihiin Barlacayaasha kuwo biyaha ay dhex degeen oo aqaladoodana biyaha dhex waranyihiin oo waaga ugu soo gaduuto sare jog.
Qaar kamid ah qooysaska bacaha loo qeybiyey ayaa ugu mahad celiyay Xisbiga Tiir waana ka codsadeen xubnaha iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga Tiir gargaar iyo garab istaag ay kaga caawinayaan dhammaan baahiyaha aas-aasiga u ah habsami u socodka nolosha bani’aadamka.
Wakiilada Xisbiga Tiir ee Baydhabo ayaa markii ay bacaha u qeeybiyeen barakacayaasha waxaa ay ka warbixiyeen sida ay ka Xisbi ahaan Tiir uga go’antahay Xubnaha iyo mas’uuliyiinta Xisbiga u gurmashada Bulshada KGS, xiliyada ay soo wajahaan daruufaha dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn.
Roobabka da’aya ayaa ah kuwo wata daadad meel ay ka soo rugmanayaan lagaraneynin haddanna dadka deggan xeroyinka barakacyasha ayaa waxaa ay yihiin kuwa dhibtaasi u dheertahay aqalada ay degan yihiin oo ah kuwo aan celinaynin dhibicda roobabka da,aya oo kor iyo hoos guryaha ay ka soo galayaan biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here