Dhageyso:-Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Bardaale

0
343

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray degmada Bardaale ee gobolka Bay. Sababta uu u tagay ayaa ah qiimeynta Xaalada dadka ay saameeyeen daadadka ee ku sugan degmada Bardaale. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bardaale waxaa kaga sii horreeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka K//Galbeed C/casiis Xasan Maxamed  Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kaga sii horeeyey degmada Bardaale oo ay dhowaan ka dhaceen  fatahaado.

Madaxweynaha oo ay la socdaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka K/Gabeed,waxaa degmadaasi ku soo dhoweeyay maamulka ,degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasai.Booqashada Madaxweynaha K/Galbeed  ayaa lala xiriiriyay u kuurgalidda xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta degmadaasi iyo halka ay marayaan gurmadka loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeem daadadka ka dhashay fatahaadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here