Dhageyso:-Warbixin ku saabsan cudurka Malaariyad ama duumada oo xili roobaadkan dad badan la daalaa dhaceyaan.

0
329

Malaria Waa cudur halis ah oo qofka bani aadamka ah samayn wayn noloshiisa Ku yeelan kara, Waa cudur dilaa ah oo qofka Ku keeni kara dhimasho, ama xubnaha muhiimka ah ee qofka bani’aadamka dhib u gaysan kara ama dhaawici kara sida; Beerka, Ganaca, Kilyaha, ama Wadnaha.

Cudurkaan sidee ayuu Ku gudbaa ama ugudbi karaa? :

Cudurkaa waxa uu ku gudbi karaa ama gudbiya, kaneecada dhadiga ah ee nooca loo yaqaano <<Anopheles Mosquito>>

Asbuucyo ka dib markii uu Durinkii kusoo kobco ama kusoo tarmo beerka, waxa uu dib ugu soo laabtaa dhiiga, si uu uburburiyo ama u baa’biyo unugyada cas cas ee dhiiga ku jira (RBC’s).
burburiyo unugyada dhiigaaga cas cas (RBC) mudo dhan ilaa 36 saac << Labo maalmood ila Sedex maalmood>>

Dhamaan calaamadahaan ama qaybtood waxay qofka kosoo ifbaxaan mudo 10 maalmood ah ilaa Afar asbuuc markuu cudurku haleelo kadib , waxaa sidoo kale macquul ah ama dhici kara inaysan calaamadahan kasoo ifbixin qofka mudo dhowr bilood ah.

Calamadaha:

-Qarqaryo
-Qandho saaid ah
-Dhidid badan
-Madax xanuun daran
-Lalabo
-Matag
-Uur kujirta oo xanuunta
-Shuban
-Dhiig la’aan
-Murqo xanuun
-Qalal (badanaa Caruurta yaryar iyo dadka tabarta daran).
-Miyir dabool
-Saxaro dhiig leh.

Waa kaan Dr cabdi gadir cabdi xasan oo kamidah dhagaatiirta magalada baydhabo xili wareysi siiney ARlaadi waxa  ka warbixyey cudurada xila roobka sida  dumada ama malaariyad Sido kale waxa baaga u direy Bulshada kgs inay ku dadaalaan  Nadaafad.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here