Barcelona vs Getafe … (Blaugrana oo eegeysa inay maanta ku soo laabato hoggaanka horyaalka La Liga)

0
286

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doonaysa inay inay dib ugu soo laabato hoggaanka horyaalka isla markaana ay ka sare marto Real Madrid, marka ay garoonkeeda Camp Nou ku soo dhoweynayso maqribnimada manta naadiga Getafe.

Naadiga Catalan ayaa eegeysa inay guusheedii saddexaad oo xiriir ah gaarto horyaalka, laakiin Getafe oo ah koox dhib badan ayaa guuleysatay mid kasta oo ka mid ah afarteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kulammada sare ee horyaalka Spain, waxaana ay haatan kaalinta saddexaad kaga jirtaa kala horreynta horyaalka.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti, 15 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 06:00 Maqrbinnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Guillermo Cuadra Fernandez (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Barcelona waxaa dib ugu soo laabanaya Gerard Pique oo ka imaanaya ganaax uu la maqnaa, waxaana uu booska ka bedeli doonaa Clement Lenglet, kaasoo daqiiqadihii ugu dambeeyey ee Real Betis garoonka laga saaray.

Nelson Semedo ayaa taam ahaansho buuxda qaba, wuxuuna ku bilaaban doonaa daafaca dambeedka midig ee Kooxda Quique Setien isagoo ka horreyn doona Sergi Roberto.

Samuel Umtiti ayaa dhaawac jilibka ah qaba, laakiin waxa uu taam noqon doonaa kulammada soo aaddan, Ronald Araujo ayaana taam ah oo diyaar u ah kulankan.

Dhinaca kale Kooxda Getafe, Damian Suarez ayaa ganaax ku seegi doona kulankaan, sidaasi darteed Allan Nyom ayaa ku soo laaban doonaa daafaca midig.

Jason waa inuu ka soo muuqdo dhanka midig ee khadka dhexe taasna waa natiijada, inkastoo Kenedy uu isna u tartamayo ku bilaabashada safka hore.

Mathias Olivera ayaa la rajeynayaa inuu ku sii wato daafaca bidix, iyadoo Vitorino Antunes wali shaki uu ku jiro inuu ciyaari karo.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Kooxda Barcelona ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 22 kulan oo ka mid ah 26-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa guuleysatay labada qeybta hore ee ciyaarta iyo kulanka oo dhammaystiran 8 ka mid ah 10-keedii kulan ee ay garoonkeeda ku dheeshay horyaalka La Liga.

>- Kooxda Barcelona ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 7 ka mid ah 9-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Getafe tartammada oo dhan.

>- Getafe ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 7 ka mid ah sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay horyaalka La Liga.

>- Barcelona ayaa guuleysatay 8 ka mid ah 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku wajahday Getafe tartammada oo dhan.

>- Getafe ayaa guul gaartay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka La Liga.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here