Zlatan Ibrahimovic Oo 6 Sano Kadib Looga Yeedhay Xulka Qarankiisa Sweden.

0
245

Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa la xaqiijiyay in uu ku soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa Sweden 6 sano kadib markii uu ka fadhiistay matalista xulka qarankiisa.

Xulka qaranka Sweden ayaa bishan ciyaari doona 3 kulan oo ka mid ah kulamada is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022 ee sanadka soo socda.

Zlatan Ibrahimovic Ayaa ka fadhiistay waajibaadka xulka qarankiisa markii laga reebay tartankii Euro 2016 kulan ay guuldaro kala kulmeen xulka Belguim.

Haatan xidhiidhka kubada cagta Sweden ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu xiddiga 39 jirka ah ku soo laabtay matalista waajibaadka xulka qarankiisa Sweden.

Zlatan Ibrahimović ayaa xulka qarankiisa kala qayb gali doona kulamada bishan ee kulamada is reeb-reebka koobka adduunka ee sanadka soo socda.

Xulka Sweden ayaa la ciyari doona xulalka Georgia (25 March), Kosovo (28 March) iyo Estonia (31 March) kuwaas oo muhiim u ah xilka qaranka Sweden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here