Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulanka Leganes

0
282

Baydhabo(Radio Arlaadi)–Zinedine Zidane ayaa soo xushay liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka ugu dambeeya horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaas oo ay marti ugu noqonayaan Leganes.

Los Blancos oo khamiistii ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxay u baxaysaa ciyaarteedii ugu dambaysay ee xili ciyaareedka 2019/20, waxaana marka uu kulankani soo dhamaado ay kaliya isku diyaarin doonaan ciyaarta Champions League ee bisha August ay Manchester City.

Tababare Zidane ayaa liiska ciyaartoygiisa ee kulankan ka reebay Gareth Bale oo lagu eedeeyey inuu qaab dhaqan xumo ah u dhaqmayay kulamadii ugu dambeeyey, gaar ahaan Khamiistii oo uu ciyaartoydii u dabbaal-degaysay koobka isku dayayey inuu lugaha ka laado, waliba qaab u muuqanayay inuu doonayey inuu ka dhaawac boqonta ama kuraanta.

Bale oo lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Real Madrid kursiga kaydka fadhiyey, waxa ficilka uu sameeyey uu Zidane kaga abaal-mariyey in guud ahaan kooxda laga reebo kulanka.

James Rodriguez ayaa isaguna kulankii afraad oo xidhiidh ah ka maqan Real Madrid oo aan lasoo xulin, waxaana saddaxaynaya Marcelo oo dhaawac ah.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee kulanka Leganes oo dhamaystiran:

Goolka: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Difaaca: Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Ferland Mendy.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Marco Asensio, Brahim Diaz, Mariano Diaz, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here