Zimbabwe oo sii Adkeynaysa Xayiraadaha Saaran Dalkeeda Xanuunka COVID19 Awgii

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xukuumadda Zimbabawe ayaa hakisay dib u furidda halbowlayaasha dhaqaalaha iyo kuwa waxbarashada dalkeeda oo horay ugu xirmay sababo la xiriira xanuunka COVID19 oo dalkaasi ku faafay.

Wasaaradda warfaafinta dalkaas oo bayaan soo saartay kaddib kulan ay yeesheen golaha xukuumadda ee dalkaas ayaa sheegtay in kulanka golaha la isku afgartay in la sii adkeeyo xayiraadaha saaran deegaanno uu ku badanyahay faafitaanka xanuunka.

Dugsiyada waxbarashada oo horay loo qorsheeyay in ay furmaan 28-ka bishan ayaa dib loo dhigay ilaa amar dambe.

Imtixaannada bartamaha sanad dugsiyeedka oo haatan socda ayay xukuumaddu sheegtay in ay sidooda u socon doonaan iyada oo sidoo kalena sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonaan iskuullo gaar loo leeyahay oo iyaga oo aan wax fasax ah ka heysanin dowladda dib u furay waxbarashada.

Gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha magaalooyinka waaweyn oo kal hore la joojiyay safarradooda ayay xukuumaddu sheegtay in qeyb ahaan ay dib u billaabi doonaan shaqooyinkooda si loo fududeeyo socdaallada lagama maarmaanka ah sida kuwa caafimaadka.

Dalka Zimbabwe ayaa ilaa iyo haatan diiwaan geliyay 1064 xaaladood oo xanuunka COVID19 ah, halka 20 qof ay u geeriyootay 343 kalena ay ka bogsadeen.

Xukuumadda Zimbabawe ayaa aad uga walaacsan sare u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka iyada oo la filayo in dowladda dalkaas ay dhawaan soo rogto tallaabooyin dheeri ah oo lagu xakamaynayo faafitaanka xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here