Zidane oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Real Madrid uga qeyb galaya kulanka Villarreal

0
360

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee uga qeyb galaya kulanka la wada sugay ee Villarreal kaasoo qeyb ka ah kulamada toddobaadkan ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Real Madrid ayaa Talaadada ku booqan doonto kooxda kubadda cagta Villarreal garoonkeeda Estadio de la Ceramica, waxaana liiskan lagu arkay inuu ka maqan yahay kabtanka kooxda Sergio Ramos, sababa la xiriira dhaawac ka soo gaaray muraqa inta lagu gudi jiray kulamadii caalamiga ahaa, iyo Casemiro oo wali ka soo kabanaya caabuqa Korona Fayras.

Liiska ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaan Karim Benzema iyo Éder Militão, halka Zinedine Zidane uu heli karo adeegyada dhamaan xiddigaha Eden Hazard, Mariano Diaz, Martin Odegaard iyo Dani Carvajal.

Halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid uu ku dhawaaqay tababare Zinedine Zidane, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka kulanka Villarreal ee horyaalka La Liga

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here