Yaxaas ka badbaaday dagaalkii labaad ee dunida oo Moscow ku geeriyooday.

0
366

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Yaxaas Dagaalkii Labaad ee Dunida ka badbaaday oo loo heystay in uu lahaa Hoggaamihii Nazi-yiinta ee Adolf Hitler ayaa ku dhintay beer xawayaanka lagu daryeelo oo ku taal magaalada Moscow.

“yaxaaskeenii Mississipi Saturn da’ ayuu u dhintay. Wuxu ahaa 84 jir, kaas oo soo qaatay cimri dheer oo laga samri karo”. Ayaa lagu yiri warbxin ay soo saartay beertaa xawayaanka ee Moscow.

Saturn waxa hadiyad loo siiyey beerta xawayaanka ee Berlin sanadkii 1936 wax yar uun ka dib markii uu ku dhashay dalka Maraykanka Waxa uu ka cararay beertaas markii la duqaynayey magaaladaas. sannadkii 1943, Askar Ingiriis ah oo saddex sano kadib helay ayaa markii dambe ku wareejiyey Midowgii Soofiyeeti.

Waxa dadka la yaab ku ahayd sidii sanadahaas uu baadida ahaa ku badbaaday, laakiin tan iyo July 1946 yaxaaskaas waxa aad u jeclaa dadka oo ugu daawasho tagi jiray Moscow “Beerta xawayaanka ee Moscow waxa sharaf u ah in ay Saturn xanaanaynaysay muddo 74 sanadood ah” ayay lagu yiri warbixinta.

Warbixintu waxay intaa ku dartay “Saturn cimirigiisu marxalad dhan ayay noo ahayd, taas oo aan wax la buunbuuninayo ahayn shaqaalahayaga badankoodu iyagoo carruur ah ayay markii ugu horraysay arkeen waxaanan rajaynaynaa in aanaan dhibaatayn.”

Beerta xawayaanku waxay sheegtay in Saturn yaqaanay dadka xanaaneeya oo uu jeclaa in burush jirka loogu xoqo iyo sidoo kale in marka laga careysiiyo uu biraha cuntada lagu siiyo iyo gidaarrada ilkaha la dhici jiray, Yaxaasyada ku nool webiga Mississipi cimrigoodu wuxu sida caadiga ah gaaraa inta u dhaxaysa 30 – 50 sano marka aan cidi daryeelin ee ay duurjoogta yihiin, ayaa warbixintaa lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here