Xuska Maalinta Caalamiga Afka Hooyo oo Maanta Dunida Loogu dabal degayo

0
68

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo waxaa lagu dhawaaqay Shirweynaha Guud ee Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) bishii Nofembar 1999.

16kii Maajo 2007 Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay qaraarkiisa A/RES/61/266 wuxuu ugu baaqay Dawladaha xubnaha ka ah “inay horumariyaan ilaalinta dhammaan luqadaha ay isticmaalaan dadyowga adduunku”.

Isla qaraarka, Golaha Guud wuxuu ku dhawaaqay 2008 inuu yahay sanadka caalamiga ah ee luqadaha, si kor loogu qaado midnimada kala duwanaanta iyo fahamka caalamiga ah, iyada oo loo marayo luuqadaha badan iyo dhaqamada kala duwan waxaana loo magacaabay Hay’adda Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay si ay ugu adeegto hoggaanka sanadka.

Maanta waxaa isa soo taraya baraarujinta in afafku ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta, xaqiijinta kala duwanaanshaha dhaqanka iyo wada xaajoodka dhaqamada dhexdooda, sidoo kale xoojinta iskaashiga iyo helitaanka waxbarasho tayo lehoo loo dhanyahay, dhisiddabulshooyinaqooneedoo loo dhanyahayiyoilaalintahiddahadhaqanka, iyoabaabulkasiyaasadda.

Warkung Waliba nig haaye Mohamed Aadam Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here