Xulka Qaranka Somaliya Oo Bilaabanaya Wadada Koobka Africa 2023.

0
497

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xulka qaranka Somaliya ayaa la ciyaari doonta xulka Eswatini kulan ka tirsan lugta 1-aad ee is reeb-reebka hordhaca ah ee koobka Africa sanadka 2023.

Xulka Somaliya ayaa kulanka soo galaya iyaga oo rajo weyn qaba kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen labadii kulan ee ugu dambeeyay ee saaxiibtinimooyinka ah.

Xulka Somaliya ayaa kulanka u soo gali doona sidii ay u gaadhi lahaayeen guul ka caawisa in ay hal lug la galaan wareega xiga ee is reeb-reebka ah maadama marti loo yahay.

Dhanka kale xulka Eswatini ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay natiijo fiican kala baxaan kulanka ka hor kulanka lugta 2-aad ee lagu ciyaari doono dalkooda.

Kulanka: Somalia vs Eswatini

Tartanka: Is Reeb-Reebka Koobka Africa

Wakhtiga: 4:00 Galabinimo

Garoonka: Benjamin Mkapa National Stadium (Tanzania)

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Eswatini ayaa guul gaadhay 3 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhiay tartanka COSAFA Cup oo ay guuldaro kala kulmeen xulka Senegal.

Dhanka kale Xulka Qaranka Somaliya ayaa hal guul gaadhay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo guuldaro la kulamay kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ciyaareen.

Warka Kooxaha Somalia vs Eswatini:

Somalia:

Ma jiro wax dhaawacyo ah ama ganaax ah oo uu xulka Somaliya xiddigo ku waayi doono waxana ay haystaan koox dhamaystiran oo ay ka soo xulan karaan shaxda.

Eswatini:

Sidoo kale Ma jiro wax dhaawacyo ah ama ganaax ah oo uu xulka Eswatini waxana ay haystaan koox buuxda oo ay ka soo xulan karaan shaxda

Shaxda Uu Xulka Somalia ku ciyaari karo kulanka:

(4-3-3): Mustaf Yuusuf (GK); Saadaq Elmi, Ahmed Said, Abel Gigli, Maxamuud Cali; Liban Abdulaziz, Omar Hassan, Abdulsamed Abdullahi; Hussein Abdikarim, Cali Mexamed, Mohamed Abdulla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here