Xulka Portugal Oo Soo Saray Liiska Xiddigaha Ay Kaga Qayb Gali Doonaan Kulamada Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka.

0
247

Tababaraha Xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa soo saaray Liiska xiddigaha xulka qaranka Portugal u matali doona ugana qayb qaadan doona kulamada is reeb-reebka koobka adduunka ee Qatar 2022.

Fernando Santos ayaa soo xushay xiddigihiisa ugu fiican isaga oo aan ka tagin cidna xilli uu shaki ku jiray in kooxahaa qaar xiddigohooda u diidi doonaan in ay aadaan waajibaadka xulka qaranka Portugal.

Gaar ahaan kooxaha Premier League ayaa la sheegayay in ay xiddigohooda u ogolaan doonaan in ay aadaan Portugal sabab la xidhiidha in xulka Portugal ka mid yahay dalalka liiska casaanka ah ku jira ee uu UK diiday in ay soo galaan dalka.

Wararka ayaa sheegayay in ay xiddigaha aada Portugal u baahanyihiin ugu yaraan 10 maalin oo karantiil ah Marka ay ka soo laabtaan portugal kulamada waajibaadka xulka qarankoosa.

Laakiin Tabababare Fernando Santos ayaa Liiska ku soo daray xiddigaha Premier League ka ciyaara si uu ugu ciyaaro kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Xulk qaranka Portugal ayaa ciyaari doona xulalka Azerbaijan (24 March), Serbia (27 March) iyo Luxembourg (30 March).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here