Xulka Netherlands oo guul kaga daah furtay tartanka EURO 2020

0
245

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xulka Netherlands ayaa guul kaga daah furtay Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020 kaddib markii ay ka adkaadeen Ukraine 3-2. Kulankooda ugu horreeyay ee GROUP C.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran Netherlands iyo Ukraine ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 52-aad xulka qaranka Holland ayaa hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Georginio Wijnaldum.

59 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay laacibka lagu magacaabo Wout Weghorst ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 uu ku hoggaaminayay xulka kubadda cagta Netherlands.

Daqiiqadii 75-aad xulka kubadda cagta dalka Ukraine ayaa dhaliyay gool, waxaana 2-1 ka dhigay Andriy Yarmolenko, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Roman Yaremchuk.

Laakiin sheeko waxay is badeshay daqiiqadii 79-aad kaddib markii uu xulka Ukraine la yimid goolka bar-bardhaca, waxaana 2-2 ka dhigay Roman Yaremchuk oo caawin ka helay saaxiibkiis Ruslan Malinovsky.

85 daqiiqo marka ay ciyaarta ayheyd xulka Netherlands ayaa markale hoggaanka u qabtay dheesha waxaana 3-2 ka dhigay Denzel Dumfries, waxaana caawinta goolkan lahaa Nathan Ake.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 uu kaga adkaatay xulka Netherlands, dhigiisa Ukraine, xilli kulankan ay labada xul qaran kaga daah furteen GROUP C ee Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here