Xulka KGS oo kulankii ugu horeeyay guul ka gaartay ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo G/ Banaadir.

0
121

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ciyaartoyda Xulka Koofur Galbeed ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka gaartay xulka Jubbaland oo goal kala hormaray qeybta 1,aad ee ciyaarta.

Kulankaan ayaa labada xul uga dhigneyd mid final oo kale madaama kulamooda ugu horeeyay guul daro ay kala soo kulmeen Xulalka Banaadir iyo Galmudug.

Xulka koonfur galbeed ayaa kaalinta 3,aad ka soo ka galay kala horeynta tantankaan madaama ay heshay 3 dhibcood.

Dhamaan kooxahaan ayaa ciyaaray min labo kulan iyadoona si lamid ah u harsan yihiin min labo kulan kale.

Xulka koonfur galbeed ayaa xulanka xiga la ciyaari doonaan xulka Hirshabeelle oo kaalinta 1 ku heyso 4 dhibcood.

Ciyaartaan ayaa ku soo dhammaatay 2-1 taas oo ka dhigan in Jubbaland guul darro la kulantay kulankoodii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here