Xulka Italy oo iska xaadiriyay finalka Koobka Euro 2020 kaddib markii rigoorayaal uu kaga soo gudbay Spain…

0
209

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xulka Italy ayaa iska xaadiriyay finalka Koobka Euro 2020 kaddib markii rigoorayaal 4-2 uu kaga soo gudbay Spain, kulan leysku daalay oo ku dhamaaday bar-bardhac 1-1 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada xul qaran Italy iyo Spain ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad xulka qaranka Italy ayaa wuxuu hoggaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay laacibkooda Federico Chiesa.

80 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xulka qaranka Spain ayaa la yimid goolka bar-bardhac kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Alvaro Morata oo caawin ka helay saaxiibkiis Daniel Olmo.

90-ka daqiiqo ee loogu talagalay kulanka ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada xul qaran ee Italy iyo Spain, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo xulka u gudbaya kulanka Finalka ee tarankan.

Ugu dambeyntii xulka qaranka Italy ayaa u gudbay filakna Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii rigoorayaal 4-2 uu kaga adkaaday dhigiisa Spain kulankii afar dhammaadka ahaa ee tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here