Xulka Argentina Oo Ku Guulaystay Copa America.

0
65

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xulka qaranka Argentina ayaa ku guulaystay koobka Copa America 2024.

Argentina ayaa Garaacay Xulka Colombia kulankii final ka tartanka.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xul Isla dhibaatoodeen.

Xul walba waxa ka go’nayd in uu ku guulaysto koobka.

Labada xul ayaa ku kala baxay bar-baro gool la’aan ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.

Xita labada xul ayaa kala bixi waayay qaybtii hore ee wakhtigii dheeriga ayaa.

Laakiin xiddiga lautaro Martinez ayaa daqiiqadiii 112-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana uu hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo xulka Argentina ugu guulaystay Copa America .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here