Xog Ka Cusub Mustaqbalka dani Ceballos Ee Arsenal

0
283

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Real Madrid ayaa lagu waramayaa in si dhab ah uga fikarayaan ay soo afjaraan amaahda xiddigooda Dani Ceballos ugu joogo Arsenal xili laacibka xilli ciyaareedkaan uu la tacaalayo in uu ku soo biloowdo kulamada kooxda

Laacibkaas 24 sano jirka ah ayaa xilli ciyaareedkiisa hore soo jiitay kooxdaas taasi oo keentay in mar kale sii dheereystaan amaahdii balse haatan xaalka ma wacna .

Ceballos ayaa haatan weysan in uu ku soo biloowdo kulamada kooxda waxa uuna macalin Arteta door bidayaa Xhaka iyo Elneny

Xilli Partey isna uu soo laabanayo laacibkaas reer Spain waxaa ka sii yaraaneysa fursadda ah in boos joogto ah uu helo

Haatan , wargeyska Clacio Mercato ayaa qoraya in Real ka fikirayaan in ay soo afjaraan amaahda laacbka ayna u yeertaan Dani .

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laacibka u xiiso ka haysto horyaalka Italy waxaana isha ku haya laba Milan iyo Juventus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here