Xiriirka kubada Cagta KGS Oo Shaaciyay Waqtiga uu Bilaabaneyo Horyaalka SSL (Southwest Super League)

0
276

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Madaxda ururka kubada cagta Koonfur galbeed soomaaliya ayaa shaaciyey in dib loo bilaabi doono horyaal South West super league ka dib kulan ay la qaateen madaxda kooxaha heerka koowaad ee Koonfur galbeed soomaaliya

Horyaalka koonfur galbeed soomaaliya ayaa bilooyin ka hor loo joojiyey cudurka saf marka ah ee corona virus (COVID19) oo dunida aafeeyey.

Kulanka ugu horeeya ayaa waxaa la dheeli doonaa maalinta khamiista oo ay ku beegan tahay 25 june 2020 waxaana wada dheeli doona kooxaha BaaySom iyo Holwadaag.

Waxaan dib laga soo sheegi doonaa in kulamada ay noqon doonaan kuwa la dheeli doono taageero la,aan iyo in kale.

Kulankan oo ahaa kulan wada tashi oo looga tashanayey qaabkii dib loogu bilaabi lahaa horyaalkii south west state super league iyadoo mar walba la ilaalinayo habraacyada caafimaadka si looga fogaado faafida cudurka caronaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here