Xilli Ciyaareedka Diogo Jota Ee Liverpool Oo Soo Dhamaaday

0
259

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Weeraryahanka Liverpool Diogo Jota ayaan qeyb ka ciyaari doonin Liverpool labada kulan ee ugu dambeysa xilli ciyaareedka Premier League sababo la xiriira dhaawac cagta ah.

Xiddigii hore ee kooxda Wolverhampton Wanderers ayaa horey ugu maqnaa dhaawac halis ah oo jilibka ah isaga oo garoomada ka maqnaa ilaa bartamihii bishii December ilaa bilowgii March.

Jota ayaa dhaliyay 4 gool oo premier League ah kadib markii uu dhaawaca ka soo laabtay laakiin waxa uu seegay kulankii West Brom ee Axadii.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga reer Portugal ka dhaawacmay lugta kulankii Man United waliba seegi doono kulamada ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Jota ayaa soo dhamaystay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Liverpool isaga oo dhaliyay 13 gool iyo hal caawin 29 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 9 gool 18 kulan oo premier League ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here