Xiddigii Qarniga 21aad, Kooxdii Qarniga, Tababarihii Qarniga Iyo Abaal-marinnadii Kale Ee La Bixiyey

0
388

Wargeyska Goble Soccer ayaa shaaciyey abaal-marinnada sannadka 2020 iyo kuwii qarniga 21aad oo uu guddoonsiiyey ciyaartooyo, tababareyaal, kooxo iyo shaqsiyaad kale oo wacdaro ka dhigay garoomada.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta ciyaartoygii ugu wanaagsanaa qarniga 21aad, taas oo lagu siiyey xaflad-qurux badan oo ka dhacay fooqa darruuraha dhaafay ee Burj Khalif ee magaalada Dubai.

Cristiano Ronaldo ayaa loo aqoonsaday xiddigii ugu wanaagsanaa garoomada qarniga 21aad oo kasoo bilowday sannadkii 2001, taas oo uu ku garaacay Lionel Messi oo ah ciyaartoyga ay kusoo xafiiltamayeen garoomada, hase yeeshee Globe Soccer Awards ayaa Ronaldo loogu doortay inuu ahaa laacibka ugu fiicnaa 20kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Weeraryahanka Juventus iyo xulka qaranka Portugal ayaa 15 koob oo waaweyn kula soo guuleystay kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, waxaana uu noqday laacibka abaal-marinnada ugu badan ee Globe Soccer ku guuleystay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, isagoo lix jeer loo doortay xiddiga sannadka tan iyo 2011.

Gool-dhaliyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski oo xili ciyaareedkii hore dhaliyey 55 gool 47 ciyaarood oo uu saftay ayaa isagana loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa sannadka.

Laacibkan oo Bayern Munich kula guuleystay Champions League, Bundesliga iyo dhamaan tartamadii kale ee ay ka qayb-galeen sannadkan ayaa waxa uu hore usoo qaatay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Fifa The Best.

Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa isagana loo doortay tababarihii ugu wanaagsanaa qarniga 21aad, taas oo ka dhigan inuu ka fiican yahay Jose Mourinho iyo macallimiintii kale ee soo baxay qarnigan.

Guardiola ayaa saddexda kooxood ee Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City kula soo guuleystay koobab badan, waxaanu abaal-marintan helayaa isagoo 13 sannadood ku jira shaqada tababarenimo.

Hase yeeshee tababaraha sannadka ayaa isagana la siiyey Hansi Flick oo Bayern Munich u qaaday Champions League, Bundesliga, German Cup iyo dhamaan tartamadii kale ee ay ka qayb-galeen, iyadoo uu waliba macallinkani waqti dambe la wareegay shaqada.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa iyadana loo aqoonsaday kooxdii ugu wanaagsanayd qarnigan 21aad, iyadoo labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey ahayd kooxda ugu guulaha badan qaaradda Yurub.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay Champions League sannadkii 2002, waxa kale oo ay qaadday sannadihii 2014, 2016, 2017 iyo 2018. Waxa kale oo ay muddadaas ku guuleysatay toddoba horyaalka LaLiga ah iyo laba Copa del Rey.

Halkan kaga bogo abaal-marinnadii la bixiyey oo dhamaystiran

Kooxdii sannadka 2020 – Bayern Munich

Kooxda qarniga 21aad- Real Madrid

Xiddiga sannadka – Robert Lewandowski

Ciyaartoygii ugu wanaagsanaa qarniga 21aad – Cristiano Ronaldo

Tababarihii sannadka – Hansi Flick

Tababarihii qarniga 21aad – Pep Guardiola

Wakiilkii ugu wanaagsanaa qarniga 21aad – Jorge Mendes

Abaal-marinta Xirfadlaha – Iker Casillas

Abaal-marinta xirfadlaha – Gerard Pique

Kooxda ugu guulaha badnayd Bariga Dhexe – Al Ahly SC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here