Xiddig U Ciyaara Man United Oo Dhaawac Looga Saaray.

0
5

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Manchester United ayaa markale la kulantay dharbaaxo kale kadib markii Amad Diallo lagu qasbay in laga saaro xulka Ivory Coast.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa Liiska dhaawacyada kula biiray xiddigaha Alejandro Garnacho, Kobbie Mainoo & Noussair Mazraoui kuwaas oo dhaawac uga maqnaan doonaan.

Dhaawacan ayaa dhirbaaxo ku ah Man United marka la eego in kooxdu kulamo adag ciyaarayso kadib fasax xulalka.

Amad Diallo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu ka mid yahay xiddigah ugu muhiimsan kooxda.

Xiddiga ayaa ku soo laabtay Manchester si uu uga soo kabsado dhaawaca soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here