Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Seegi Kara Kulamo Waaweyn

0
19

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Harvey Elliott ayaa u muuqda in uu seegi doono Kulamada waaweyn ee ay Liverpool la ciyaari doonto kooxaha Liverpool ee Chelsea iyo Arsenal bisha soo socota ka dib markii uu dhaawac cagta ah soo gaadhay intii lagu jiray fasaxii xulalka.

Xiddiga khadka dhexe ee weerarka ayaa hal kulan ka soo muuqday kooxda Arne Slot ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray todobadii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulankii ay 2/0 ku garaaceen Brentford.

Laakiin waxa loo qorsheeyay in uu ciyaaro wakhti badan iyada oo Liverpool ay ciyaari doonto todobo kulan saddexda todobaad ee soo socda taas oo ay ku jirto bilowga ololahooda champions League.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga iyada oo Elliot uu soo gaadhay dhaawac jabniin lugta ah intii uu ku jiray fasaxa xulalka.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado ilaa dhamaadka bisha October ee soo socota.

Kadib dhaawaca xiddiga ayaa seegi doona kulamo premier League oo ay ka mid yihiin Nottingham Forest, Bournemouth, Wolves Iyo Crystal Palace.

Sidoo kale waxa uu seegi doonaa labada kulan ee champions League ay kooxdiisu la ciyaari doonto Ac Milan iyo Bologna.

Laakiin warka ugu xun ee Elliott ayaa ah in aanu soo noqon ilaa bisha November isla markaas uu seegi doono kulamada chelsea iyo Arsenal ee bisha October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here