Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Xaqiijiyay In Uu Doonayo In Uu Isaga Tago Blues

0
340

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Chelsea ee Emerson Palmieri  ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu isaga tago kooxda chelsea xagaaga waliba ku laabto horyaalka Serie A-da.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa kooxda chelsea ku soo biiray Bishii January 2018 isaga oo kaga soo biiray kooxda Roma wakhtigaas oo uu kooxda hogaaminayay tababare Antinio Conte.

“Markii aan joogay Serie A-da waan ku faraxsnaaa, waa horyaal aan jecelahay dhaqankiisa waana sababta aan u doortay in aan ka ciyaaro Italy”.

“Waxa aan doonaya in aan ku laabto Serie A-da, haatan chelsea ayaan kula jiraa heshiis laakiin hadii ay ii suurtagasho waxa aan doonyaa in aan ku laabto sida ugu deg-dega badan”

Emerson ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Inter Milan iyo Juventus iyada oo labada tababare ee Antonio Conte iyo Maurizio Sarri doonayaan in ay dib ula midoobaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here