Xiddig Muhiim U Ah Arsenal Oo Tababarka Ku Soo Laabtay Ka Hor Kulanka Villarreal

0
386

Xiddiga daafaca ua ciyaara kooxda Arsenal ee David Luiz ku soo laabtay tababarka waliba taam u noqon doono kulanka lugta 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Europa League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreeal.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha khibrada u leh tartankan kadib markii uu ku guulaystay tartanka sanadkii 2013 markii uu u ciyaarayay kooxda chelsea.

Luiz ayaa seegay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu  ciyaartay kadib dhaawac jilibka ah soo gaadhay qaliin lagu sameeyay.

Laakiin xiddigii hore ee PSG ayaa haatan ku soo laabtay tababarka maanta oo salaasa ah waliba taam u noqon doono kulanka Villarreal ee Europa League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here