Xiddig Liverpool Dhaawac Uga Maqnaa Oo Ugu Dambayn Tababarka Ku Soo Laabta, Sawiro.

0
360

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa ugu dambayn ku soo laabtay tababarka kadib dhaawac uu muddo uga maqnaa kooxda.

Xiddiga reer Spain ayaa dhaawac uga maqnaa kooxda muddo bilo ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Everton isaga oo ka dhaawacmay jilibka.

Laakiin Thiago ayaa haatan ku soo laabtay tababarka isaga oo ku sii dhawaanaya in uu taam u noqdo u ciyaarista kooxda Liverpool ee kulmaada.

Thiago ayaan wali ka qayb qaadan tababarka buuxa ee Reds laakiin talaabo muhiim ah u qaado soo laabashadiisa tababarka buuxa ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here