Xiddig Lala Xidhiidhinayo Chelsea Oo Heegan Galiyay Blues.

0
271

Daafaca Bayern Munich Niklas Sule ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League xagaaga soo aadan.

Xiddiga 26 jirka ah ayuu heshiiskiisa Bayern Munich dhici doonaa damaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday ilaa haatan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer Germany.

Niklas Sule ayaa qaab xor ah ugu biiri kara kooxda uu doonayo marka la gaadho suuqa January ee bilowga sanadka cusub isaga oo qaab xor ah ugu biiri kara kooxda uu doonayo xagaaga.

Kooxda chelsea ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Sule iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid rajo ka heshay baacsiga xiddiga Sule kadib markii uu xiddigu qirtay in uu diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here