Xiddig Ku Dhawaa In Uu Ka Tago Chelsea Oo Tijaabada Caafimaadka Ku Dhacay.

0
110

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ka Tagistii xiddiga Hakim Ziyech ee chelsea ayaa fashilmay kadib markii uu xiddigu laba jeer ku dhacay tijaabada ccaafimaadka.

Xiddiga Hakim Ziyech ayaa ku dhawaa kooxda Al-Nassr kuwaas oo chelsea xitaa kala heshiiyay qiimaha xiddiga si ay u helaan saxiixiisa.

Kadib markii uu ku fashilmay in uu boos ka helo tababarayaasha Thomas Tuchel, Frank Lampard & Graham Potter, Ziyech ayaa si weyn loo filayay in uu isaga tago kooxda Chelsea.

30 jirka ayaa diyaar u ahaa in uu u dhaqaaqo horyaalka sucuudiga kadib markii uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Al-Nassr.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay CBS, Ku biirista Ziyech ee Al-Nassr ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya sabab la xidhiidha dhaawac uu qabo xiddigu.

Xiddiga reer Morocco ayaa laba jeer ku dhacay tijaabada caafimaadka sabab la xidhiidha dhaawac jilibka iyo Sinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here