Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Dalbaday Lambarkii Pierre-Emerick Aubameyang Kadib Bixitaankiisii Suuqii January.

0
226

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa doonaya in uu la wareego maaliyada Pierre-Emerick Aubameyang ee No.14 ee kooxda Arsenal kadib markii uu weeraryahanku ku biiray Barcelona.

Aubameyang ayaa maalintii ugu dambaysay suuqii January ka tagay Arsenal kuna biiray Barcelona kadib markii ay isku dheceen tababare Mikel Arteta.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa laga qaaday masuuliyada kabtanimada bishii December wax kulan ahna uma ciyaarin tan ilaa intii uu ka tagayay kooxda.

Dhanka kale Martinelli Ayaa soo bandhiay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo ilaa haatan u dhaliyay kooxda 20 gool xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer Brazil ayaa haatan Kooxda u qaata No.35 oo ah midkii la siiyay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Arsenal sanadkii 2019.

Laakiin sida laga soo xigtay The Sun, Martinelli ayaa haatan doonaya in uu qaato Lambarka caanka ka ah Arsenal ee No.14 kadib bixitaankii Aubameyang.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here