Xayawaankii ugu horeeyay oo laga helay cudurka Corona

0
285

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Dalka Mareykanka waxaa cudurka Corona laga helay Shabeel.

Shabeelkani Dhiddiga ah oo dad’diisa lagu sheegay 4 sano islamarkana lagu magacaabo Nadia ayaa ku jirta beerta xayawaanada lagu xanaaneeyo ee Bronx.

Shabeelkan, ayaa inta la ogyahay noqonaya Xayawaankii ugu horeeyay ee laga helo caadurka Covid-19 ee aadanaha ku dhaca.

Saraakiisha beerta lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Bronx, ee ku taalla magaalada New York, ayaa waxay sheegeen in natiijada baaritaankan lagu xaqiijiyay Shey-baar ku yaalla Iowa.

Nadia, iyo 6 xayawaan oo kale ayaa la rumaysan yahay in cudurkan ay ka qaadeen mid ka mid ah ilaalada duurjoogta.

Shabeelkan ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka sida qufac qalalan dabayaaqadii bishii aanu soo dhaafnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here