Xavi oo si degdeg ah u billaabay sifeynta dhibaatooyinkii laga dhaxlay xukunkii Koeman

0
252

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Macallinka cusub ee naadiga Barcelona, Xavi Hernandez ayaa durba billaabay inuu sameeyo isbaddelo muuqda oo la xiriira hab-sami u socodka kooxda, waxaana la warinayaa inuu ceyriyay labo tababare oo jir-dhiska u qaabilsan Barca kuwaasoo uu shaqaaleysiiyay macallinkii la ceyriyay ee Ronald Koeman.

Ciyaartoyda kooxda ayaa la sheegay inay ka cabanayaan habka macallimiinta jir-dhiska ay tababarka u bixiyaan taasoo keentay inay kooxda la kulanto dhaawacyo tobaneeyo gaaraya.

Sidaas darteed, kaddib markii uu Xavi dhageystay cabashada xiddigaha Barcelona waxa uu qaatay go’aan uu shaqada kaga ceyrinayo shaqsiga fiiso-tarbiyada u qaabilsan kooxda ee Juanjo Brau iyo tababaraha jir-dhiska ee Albert Roca kuwaasoo labaduba la yimid xukunkii Koeman sida ay warisay jariiradda AS.

Si kastaba ha ahaatee, macallinka cusub ee Blaugrana ayaa agaasimaha ciyaaraha kooxda ee Mateu Alemany kala xaajooday inuu wax ka baddelo dhanka tababarka jirka isagoo haatan doonaya inuu kooxda kusoo celiyo Jaume Munill iyo Ricard Pruna kuwaasoo horey uga shaqeyn jiray Camp Nou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here