Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Real Madrid Garaacday Liverpool

0
343

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay Koobka champions League kadib markii ay garaacday Liverpool kulan ka dhacay Magaalada Paris.

Gool uu dhaliyay Vinícius Júnior ayaa Real Madrid ka caawiyay in ay ku guulaystay koobka champions League waliba garaacdo Liverpool.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii Final-ka champions League.

1.Liverpool ayaa goolka la heshay qaybtii hore ee kulanka waana in ka badan intii ay ku laadeen isku darka Final-kii champions League 2018/2019.

2.Vinícius Júnior (4 gool iyo 6 caawin) ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee reer South American ku lug lahaa 10 gool champions League xilli ciyaareedkan tan ilaa Lionel Messi.

3.Real Madrid ayaa ku guulaystay champions League markii 14-aad ee taariikhdooda waxana ay laba jibaar ka badan yihiin kooxda ugu soo dhaw oo 7 jeer ku guulaystay.

4.Carlo Ancelotti ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee champions League ku guulaystay inta ugu badan isaga oo ku guulaystay 4 jeer isaga oo hogaaminaya laba kooxood oo kal duwan.

5.Thibaut Courtois ayaa sameeyay 9 bad-baadin waana inta ugu badan ee uu Goolhaye sameeyo Final-ka champions League tan ilaa 2003/2004.

6.Mohamed Salah ayaa goolka la helay 9 laad waana inta ugu badan ee uu xiddig sameeyo Final champions League 2003/2004.

7.Inkasta oo ay ku guulaysteen laba koob oo kala ah FA Cup-ka iyo Carabao cup-ka Liverpool ayaan hadana dhalin wax gool ah 3-dii Final ee ay gaadheen xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here