Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray

0
61

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Waxa xalay la ciyaaray kulamo xiiso leh oo champions League kana tirsanaa wareegii 4-aad ee tartanka.

Kooxaha Man City, Ac Milan iyo Dortmund ayaa wada badiyay kulamadii ay ciyaareen.

Dhinaca kale kooxaha PSG iyo Barcelona ayaa laga badiyay kulamadii ay ciyaareen.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulamadii xalay.

1.Ederson ayaa caawa badiyay kulankiisii ​​50-aad ee tartanka UEFA Champions League (46 guul oo uu la gaaray City & 4 Benfica), wuxuuna noqday goolhayihii sideedaad ee heerkaan gaadha tartanka waana goolhayihii ugu dhaqsiyaha badnaa (75 kulan).

2.Isagoo jira 40 sano iyo 254 maalmood, Pepe wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee da’da 40+ ee gool ka dhaliya UEFA Champions League.

3.Manchester City ayaa noqotay kooxdii 12-aad ee dhalisay 250 gool oo UEFA Champions League ah waxana ay rikoodhkan u baahdeen 119 kulan waana kulamo ka yar kooxaha kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here