xaaladda COVID-19 ee dalka Brazil oo gaartay meel halis ah

0
291

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Xaaladda xanuunka Karona ee dalka Brazil ayaa gaartay meel halis ah kadib markii tirada dhimashada ay ka sara martay 300,000 oo ruux.

Brazil ayaa ah wadanka labaad ee dunida ugu dhimashada badan iyo kan koowaad ee qaaradda koonfurta Ameerika ugu daran.

Arbacadii wasaaradda caafimaadka ee Brazil ayaa sheegtay in ladiiwaan galiyay dhimashada in kabadan 2,000 oo ruux taas oo tirada dhimashada ka dhigtay 300,685 ruux.

Waxaa cadaadis xoogan lakulmaya madaxwaynaha dalkani Jair Bolsonaro kaas oo lagu eedeenayo wax ka qabasho la’aanta xanuunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here