Xaalada abaarta Suudaan oo laga deyrinayo

0
192

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) In ka badan saddex meelood meel dadka Suudaan ayaa hadda wajahaya cunto yari ba’an, sida ay sheegtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP ,waxayna sheegtay inaysan haysan lacag ku filan oo ay wax kaga qabato.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiradaas, ay kor u kacday boqolkiiba toddoba marka loo eego sannadkii hore, oo u dhiganta ilaa 3 milyan oo qof. Waxay u tirada ayaa hadda ah 18 milyan, ama 40% tirada dadweynaha Suudan ee ay abaarta saameysay.

Warbixin kale oo ay soo saaren Ha’yadaha Plan International, Save the Children, UNICEF, iyo World Vision ayaa waxay ka digeen in 3 milyan oo carruur Suudaani ah oo ay da’doodu ka yar tahay 5 sano ay soo food saartay nafaqo darro ba’an.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here