Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay qeybo ka tirsan Mareykanka.

0
160

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xaalad deg deg ah ayaa looga dhawaaqay deegaanno dhaca gobolka California ee dalka Mareykanka xilli uu si weyn u faafayo dabka ka kacay halkaas.

Dabka ayaa haatan ku faafaya seeraha qaran ee Yosemite.

Dabkan oo loogu magac daray Oak ayaa bilowday tan iyo Jimcihii balse koxaha dab damiska ayaa ku guuldareystay inay xakeemayaan dabka muddo 24 saacadood gudahood.

In ka badan 3,000 qof ayaa laga daadgureeyay goobaha uu dabka saameeyay halka uu baabi’iyay guryo gaaraya 10.

Sida laga soo xigtay waaxda keymaha ee gobolka California iyo ka hortagga dabka ayaa sheegtay in dabka uu baabi’iyay dhul gaaraya 4,815 hectar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here