Wolves Oo Waqtigii Dhimashada Guul-darradii Labaad Ee Xidhiidh Ah U Xambaarisay Chelsea.

0
214

Chelsea ayaa guul-darradii labaad oo xidhiidh ah kasoo gaadhay horyaalka Premier League, waxaana waqtigii dhimashada madax xanuun kusoo macasalaamaysay Wolves oo ku qaabisay garoonkeeda Molineux Stadium.

Blues oo haddii ay badin lahayd hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah ula wareegi lahayd ayaa waxa 2-1 ku garaacday Wolves oo gadaal kasoo laabatay.

Chelsea ayaa ciyaarta la hormartay goolka aan waxba u tarin oo uu bilowga qaybta dambe u dhaliyey Olivier Giroud, hase yeeshee laba gool oo midkood uu waqtigii dheeriga ahaa dhashay ayaa loogu beddelay.

Daniel Podence oo daqiiqaddii 66aad dhaliyey goolka barbarraha iyo Pedro Neto oo daqiiqaddii 96aad dhaliyey goolka guusha ayaa libinta u horseeday Wolves oo sare ugu soo kacday guushan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here